|
HORUDHAC
Buugan durdurka sheekooyinka caalamiga waa buug ay ku qoran yihiin toban sheeko caruureed caan ah, kuwaas oo loo turjumey afka somaaliga ah si ay caruurta soomaaliyeed iyo cidii kale ee xiiseyneysaaba ay kaga haqab beelaan afkooda hooyo, sidoo kale buugani waxuu ididiilo galinayaan kumaan kun oo caruur soomaaliyeed ah oo qurbaha ku dhashay ama ku nool, sidii ay u heli lahaayeen buugag casri ah oo ku qoran afka soomali.
Waxa kale oo buugani dhiiri galinayaa in caruurta soomaaliyeed ay afkooda hooyo ku akhristaan sheekooyinka ay xiiseynayaan, taas oo suuro galinaysaa in ilmaha soomaaliyeed ee jooga qurbaha ama ku dhashay uu wax ka fahmo sheekooyinka dhaqamada umadaha kale.
Buugani maadama sheekadiisu ku salaysnayd dhaqamo kale waxaan isku dayay in aan ilaaliyo anshaxa iyo dhaqanka soomaaliyeed.
Buugani waxaa uu hordhac u yahay buugaag kale, oo ka hadli doona hidaha iyo dhaqanka soomalida, si ay caruurta qurbaha ku nooli ay u bartaan una fahmaan afko hooyo iyo dhaqankaba.
Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa waalidiinta in ay ku dadaalaan sidii afka hooyo aanu uga lumin caruurta, buugaagta af soomaaliga ku qoranna kula dadaalaan sidii ay u akhrisan lahaayeen, taas oo u suurto galin doonta in aan xidhiidhka afka hooyo, hidaha iyo dhaqanku toona ka lumin.
Introduction of (Dur-Durka sheekooyinka caalamiga ah)
The objectives of this book is to give the Somali children living in Diaspora to learn Somali language because what makes you true Somali is your ability to read, write and speak Somali language as it connects you to your true culture and heritage moreover it enables you to understand your history and identity therefore we here by advise Somali parents in Diaspora to help and assist their children not to forget their language and culture.
| Last updated:
Sunday, 25 May 14:25 |
Adoos Reference:
2087525 |
|